U bood dhigaalka

Akhariso: Ajandaha ay Ka Wadahadleen Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Madaxa SSF

Wasiirka arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta XFS mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa kulan gaar ah la qaatay Bianca Jinga oo ah madaxa cusub ee barnaamijka SSF wejigiisa 3-aad iyada oo labada dhinac ay hoosta ka xariiqeen adkeynta xiriirka iyo ka wadashqeynta arrimaha hortabinta leh.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya mudane Axmed Fiqi ayaa soodhoweynta xilka cusub ee loo magacaabay kasokow waxaa uu xusay hortabinnada Wasaaradda ee dhanka Xasillinta, nabad dhiska iyo Dib u heshiisiinta.

Dhankeeda, madaxa SSF Bianca Jinga waxaa ay sheegtay in howlaha wejiga 3-aad ee barnaamijka aanu ku koobneyn Xasllinta ee ay diyaar u yihiin in ay taageero ka geystaan arrimaha horumar u sameynaya bulshada Soomaaliyeed oo ay dhab u heshiisiinta iyo nabadda ugu horeeyaan.