U bood dhigaalka

Degdeg: Maxamadda Gobolka Banaadir oo Xukun Dil ah Ku Ridday Sayid Cali oo Xaaskiisa Gubay

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta xukun dil ah ku ridday Sayid Cali Macalin Daa’uud oo lagu helay inuu si ula kac ah xaaskiisa u gubay oo lagu magacaabi jiray Luul Cabdicasiis Maxamed oo tan iyo markii ay geeriyootay aan meydkeeda la aasin.

Fadhiga oo ahaa mid siweyn loo sugayay ayaa waxaa soo xaadiray dad aad u badan iyo qoyska labada dhinac oo ka dhursugayay go’aanka guddoomiye Saalax Cali Maxamuud ayaa ku dhowaaqay xukunka, isagoo sheegay ciddii aan ku qanacsaneyn inuu Racfaan u furan yahay.

Maxkamadda gobolka ayaa hore laba fadhi oo kale duwan ku dhageysatay eedeymaha loo heystay eedeysanaha, waxaana marqaatiyo kale duwan fadhiyadaas ka hadlay ay cadeeyeen sida ay wax u dhaceen, maxkamadda ayaa ugu dambeyn maanta ku ridday xukun dil ah.

Eedeysane Seyid Cali ayaa 26-kii habeenkeedii ku gubay marxuumadda gurigii ay deganaayeen oo ku yaallay degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir, waxaana xilligaas uu ka baxsaday caasimadda isagoo laga soo qabtay magaalada Camaara ee Koonfurgobolka Mudug Soomaaliya.