U bood dhigaalka

Wax Ka Ogow Sababta Labo Maalin ay Hakad ugu Jiraan Duulimaadyadii Gudaha Soomaaliya, Gadood iyo Dibadbaxyo Socda

Waxaa hakad ku jira maalinta labaad duulimaadka diyaaradaha ee gudaha dalka ee ka baxa garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde Airport iyada oo fowdo iyo jahowareer uu ka jiro gudaha garoonka.

Dadkii ugu badnaa oo leh da’aad kala duwan ayaa ku xayiran gudaha garoonka, iyaga oo aan ogeyn xilliga ay safri doonaan, waxaana socda dibadbaxyo gadood ah oo ay dhogayaan shacabka iyo shirkadaha diyaaradaha.

Arrimahan ayaa imaanaya kadib markii Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista hawada ee Dowladda Federaalka ah ay soo kordhisay qiimo lacageed oo $9 ah kaas oo ay u wakiilatay shirkad, taas oo lagu hubinayo shakhsi kasta oo isticmaalaya diyaaradaha gudaha, lacagtaas oo aan la saari karin Tikitka, ayey fulinta ka biyo-diideen shirkadaha iyo iskaashatada diyaaradaha.

Shirkadda Sahal oo ah halka laga qaado muwaadiniinta doonaya in ay ka duulaan garoonka ayaa saakay lagu wargeliyay in aysan jirin duulimaad ilaa iyo shirkadaha ay uga huggaansamaan go’aanka kasoo baxay wasaaradda duulista hawada Soomaaliya, xilli garoonka sidaan oo kale saacado dib ugu dhacay sgalay.

Shirkadaha duulimaadyada ka shaqeeya ee gudaha dalka ayaa sheegaya in ay adag tahay bixinta xogta muwaadinka maadama diyaaradaha qaarkood ay wax uga safraan madaxda dalka, iyagoo sidoo kale shirkadda Turkiga ee garoonka maamusha lagu amray in aysan fasixi Karin diyaarad.

Ciidamo ka tirsan booliiska iyo Nabad sugidda ayaa ku sugan garoonka iyo shirkadda Sahal, waxaana la ogeyn halka ay ku dambeynayso xiisadda ka dhexetaagan wasaaradda iyo shirkada duulimaadka dalka, kuwaas oo cabasho ka ah lacagta lagu soo rogay iyo soo gudbinta xogta muwaadinta dalka ka baxaya.