U bood dhigaalka

Haweenka oo Maanta Xusay 8-da March, iyo Kaalinta Haweenka Soomaaliyeed Ee Nolosha

Maalinta 8-da March, waa munaasabad ay xusaan ururrada haweenka ddduunka iyo Qaramada Midoobey, waxaana ay dalal badan ka tahay maalin ciid ah oo haweenka ku kala nool qaaradaha adduunka ee ay kala qaybiyeen xuduuddaha, laakiin waa kuwa mideysan xuska maalinta 8-da March.

Muddo ka badan Qarni ayuu socdaa dadaalka haweenka wali ay ku baadi goobayaan sinnaan, caddaalad, horumar yo nabad oo ay ragga ka tirsanayaan gacan bidixeyn marka la eeego, waxaana dib u eegi doonaa halgankii dhaqdhaqaaq ee ay haweenku soo mareen  waxaana la aqaansaday 8-da March 1975-kii.

Haweenka Soomaalida oo dhinacooda iyaguna ka xusaya maalinta 8-da Mach ayaa waxaa iyaga u dheer duruufo adag oo noloshooda soo wajahaya sida dagaallo iyo shaqo la’aan, waxaana hadda muuqata in ay kasoo kabanayaan marxaladaha qaar marka la eego tan iyo markii ay dhacday dowladdii dhexe 1991-kii.

Haweenka Soomaalidu waxay waqtiyadii hore iyo xilliganba lafdhabar u yihiin qoysaska Soomaaliyeed. Tiro badan oo haween ah ayaa qoysaskooda u soo saara nolol maalmeedka iyadoo ay taasina u sii dheer tahay daryeelka Ubadka Soomaaliyeed, mararka qaar ayaad aykaysaa in ay ku jiraan meelo kale duwan.

Haweenka Soomaaliyeed ayaa tan iyo 2010 sameynayay in ay madax kor usoo qaadaan oo waxaa ay ku luglaahaayeen dhinacyo badan marka la eego gaar ahaan dhinaca Waxbarashada, Ganacsiga Siyaasadda iyo arrimaha bulshada, taas oo keentay in ay siweyn ay uga soo muuqdaan saaxooyinka kale duwan.

Isbedelka haweenka Soomaaliyeed ayaa waxaa loo aaneynkaa in ay udubdhexaad u tahay haweenkii dalka ka baxay ee la falgalay bulshooyinka kale duwan, kuwaas oo dalka dib ugu soo laabtay, iyagoo biirsaday haweenkii dalka wax ku bartay mudadadii dalka u uku jiray burburka oo marxalaso soo arkay.