U bood dhigaalka

Wasiirka Cadaaladda oo Muqdisho Uga Qeybgalay Madal Looga Hadlayay Heshiiska Turkiga iyo Soomaaliya

Sheeko:War

Wasiirka caddaaladda iyo arrimaha dastuurka XFS, Xasan Macalin Maxamuud ayaa xalay Muqdisho uga qeyb galay Madal aqoon is weydaarsi ah oo si qota dheer looga hadlay “Heshiiska iskaashiga dhaqaalaha iyo Difaaca” ee dhawaan ay wada galeen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.

Doodda oo ay soo diyaariyeen ururka aqoonyahannada Soomaaliyeed ee dalka Turkiga wax ku soo baratay (Somali Türkiye Alumni Association) ayaa sidoo kale looga hadlay xariirka ka dhexeeya labada dowladood iyo labada shacab oo qarniyaal kahor jiray iyo marxaladihii uu soo maray, cidda mas’uulka ka aheyd dib u nooleyntiisa burburkii kadib iyo faa’iidada ugu jirta xariirka labada dal oo hadda Heer bah wadaagnimada isu beddelay. Waxaa kale oo laga hadlay heshiisyada kale ee labada dowladood ay galeen iyo sida Soomaaliya ay uga faa’iideysan karto.

Mudane Xasan Macalin Maxamuud oo qeyb ka ahaa mas’uuliyiintii dowladda Soomaaliyeed ee dadaalka badan geliyay soo nooleynta xariirka labada dowladood intii u dhexeysay 2009-2011, ayaa uga mahad celiyay aqoonyahanka Turkiga wax ku bartay aqoon-isweydaaraiga ay kor ugu qaadayaan fahamka dadka Soomaaliyeed ee heshiiska iskaashiga dhaqaalaha iyo difaaca.

Wixii ka dambeeyay 2011, xariirka Soomaaliya iyo Turkiga wuu sii xoogeysanayay, si togan ayaana dalkeenna iyo dadkeennu uga faa’iideen. Kumannaan Soomaali ah ayaa Turkiga wax kusoo bartay, qeybta caafimaadka ayey aad nooga taageertaa dowladda Turkigu, ciidamada Soomaaliyeed kuwa loogu jecelyahay qaarkood.

Turkiga ayaa dalkeenna waxey ku leeyihiin Xarun Tababar ciidan oo aad weyn una horumarsan, safaaradda 1-aad dunida dhan ugu weyn ayey dalkeenna ku leeyihiin, waxey dalkeenna ka hir-geliyeen mashaariic waaweyn oo ay ugu horreeyo dhismaha wadooyinka, waxey naga caawiyaan dagaalka Khawaarijta.

Heshiiska iskaashiga dhaqaalaha iyo Difaaca ee dhawaan ay galeen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga oo jiraya mudda 10 sano ku eg, hadii loo dhaqn-geliyo sida loo qorsheeyay waxuu labada dowladood iyo labada shacaba u horseedayaa kobac dhaqaale iyo horumar amni oo loo aayo.