U bood dhigaalka

Hey’adda NISA oo Gacanta Ku Dhigtay Guddoomiye Lagu Eedeeyay Katirsanaanta Al-shabaab

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ayaa sheegtay in gacanta lagu dhigtay Guddoomiyihii hore ee degmada Dharkenlay Abuukar Axmed Caddow Tifoow oo lagu soo eedeeyay inuu ka tirsanaa Al-shabaab,isaga oo in muddo ah ku dhex dhuumanayay Hay’addaha Dowladda sida hey’addu sheegtay.


Abuukar Cadoow ayaa intii u dhaxeysay 2015 ilaa 2019 soo noqday Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda degmada Wadajir, sidoo kale 2019 ilaa 2020 waxaa uu Guddoomiye kasoo noqday degmada Dharkeynley isaga Al-shabaab kala shaqeeyay fududaynta falal amni darro oo Muqdisho laga sameeyay.


Xogta Hay’adda NISA ayaa sheegtay in Abuukar Axmed Caddow Al-shabaab ku biiray intii u dhaxeysay 2013 ilaa 2014, waxa ay tababar Sirdoon ku siiyeen magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose isaga oo kooxda ka caawin jiray gudbinta xogta Saraakiisha iyo Xafiisyada dowladda uu la shaqeynayay.


NISA ayaa dhanka warbixinteeda ku sheegtay in dabagal ku haysay mudddooyinkii u dambeeyay waxaana ugu dambeyn lagu guuleystay in 04-tii March 2024, laga qabto garoonka diyaaradaha Aadan Cadde isaga oo ka yimid dalka Kenya, waxaana hey’addu sheegtay in cadaaladda la horgeyn doono sida ay baahisay.


Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka waxa ay gabagabadii bayaankeeda ay ku sheegay iney u digeyo cidkasta oo la shaqeysa Al-shabaab, taas oo looga golleeyahay adkaynta nabadgalyada badqabka muwaadinka Soomaaliyeed, hey’adda ayaa hore u sheegtay shakhsiyaad sidaan oo kale loosoo qabatay.