U bood dhigaalka

Wasiirka Gaashaandhigga oo Haweenka Ciidanka Ku Jira Kula Qeybgalay Xuska 8-da March

Wasiirka Gaashaandhiga xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo xalay casho sharaf ku maamuusay haweenka ku jira ciidanka xoogga dalka, ayaa amaanay doorka muhiimka ah ee ay ka qaadanayaan xoreynta dalka, xilli ciidanka qeybihiisa kale duwan ay ku jiraan dumarka Soomaaliyeed.


Wasiirka ayaa sheegay in xukuumaddu ogtahay qiimaha ay haweenka Soomaaliyeed u leeyihiin qaranka, isagoo dhanka kale, kaga mahadceliyay in ay doorteen ku biiritaanka ciidamada xoogga dalka, xilli dalka ay ka jireen daruufo adag, waxaana shalay dunida looga dabaaldegayay maalinta haweenka adduunka.


”Waxaan rabbaa in aan idn kaga mahadceliyo in aad doorateen in aad ciidamada xoogga dalka ku soo biirtaan, waajib cid walba gudan karto ma ahan,marka lagu soo biirayo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed waxa aad ka soo tanaasuleysaa wax walba” ayuu yiri wasiirka Gaashaandhigga.


Wasiirka Cabdulqaadir ayaa dhanka kale u qiray haweenka doorkooda taariikhiga ah ay ku lahaayeen halgankii gobonnimo doonka iyo kaalinta maanta ay ka qaadanayaan dagaalka xilligaan dowladdu ay kula jirto Al-shabaab, ciidanka ayaa waxaa kamid ah dumar kale duwan oo ka gaaray darajoojin ciidanka.


Ciidanka xoogga dalka marwaliba oo tiradiisa la kordhiyo waxaa kusoo biira dumar badan, kuwaas oo go’aan ku gaaray in ay dhankooda ka qaataan dadaallada loogu jiro sidii dalka ammaankiisa dib loogu xasilin lahaa, waxaana ay ku jiraan qeybaha kale duwan ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.