U bood dhigaalka

Xarunta Ka Hortagga Isbedelka Cimilada iyo Nabaadguurka oo Muqdisho Laga Hirgaliyay

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xarigga ka jaray Xarun cusub oo qayb ka qaadanaysa ka hortagga isbeddelka cimillada iyo nabaadguurka deegaanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyey dadaalka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada ee la xiriira sidii loo heli lahaa Soomaaliya cagaaran oo ka guuleysata saameynta ay isbeddelka cimilladu ku yeelatay deegaanka.

Mashruucan oo qeyb ka ah hirgelinta hal abuurkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee Soomaaliya Cagaaran iyo beerista 10, milyan oo Geed, ayaa waxa hirgelinteeda iska kaashaday Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada iyo Shirkadda ka hortagga abaaraha, horumarinta deegaanka iyo duurjoogta ee Afrika (ADILP).