U bood dhigaalka

Askar Ka Tirsan Ciidanka Booliiska oo Tababar Loogu Soo Xiray Muqdisho

Sheeko:War

Sii-hayaha Wasiirka Amniga Gudaha, ahna Wasiiru dowlaha wasaaradda Amniga XFS Mudane Maxamed Cali Xagaa iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaalieed, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin, ayaa maanta tababar u soo xiray ciidamo cusub oo tababar ku qaatay dugsiga tababarrada Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaahiye.

Ciidamadaan ayaa kamid noqon doona Boliiska Soomaaliyeed, waxayna ka qeyb qaadan doonaan dadaalada lagu xakameynayo dhagarta kooxaha Khawaarijta Bulshada Soomaaliyeed u soo maleegaan.

Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin, oo la hadlay ciidankan tababarka loo soo xiray ayaa kula dar-daamar in ay la dagaalamaan argagixisada iyo waxyaabaha maanka-dooriya, bulshadana ay si wanaagsan ula dhaqmaan, maadaama ay ka soo dhex baxeen bulshada.

Dhankiisa Wasiir Xagaa ayaa uga mahad celiyay taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed dadaalka ay galiyeen dhismaha ciidanka dhalinyarada ah ee ku soo biiray ciidanka booliska.