U bood dhigaalka

Dab Xooggan oo Ka Kacay Suuqa Bakaaraha

Dab xooggan ayaa ka kacay suabxanimadii saakay suuqa weyn ee Bakaaraha, gaar ahaan goobaha ganacsi ee ku yaalla wadada isku xirta dhismaha shirkadda Somtel iyo suuqa Cabdalla-shideeye.

Goobo  ganacsi ayaa gubanaya, waxaana socda gurmad lagu badbaadinayo hantida umadda oo kooxaha gurmadka deg degga ah ee maamulka gobolka Banaadir iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ay wadaan.

Suuqa Bakaaraha ayaa sanad waliba waxaa ka kaca dab kaas oo keena khasaare xooggan oo lagu waayo haniti badan oo umadi leedahay, waxaana loo aaneeyaa inta badan qalad koronto iyo dabka cadaiga ah.