U bood dhigaalka

Indonesia: Daadad Ku Dhuftay oo Sababay Geerida 19 Ruux, Halka Tiro Kale Nolosha Lagu La’yahay

Daadad xooggan iyo dhul go’ ku dhuftay jasiiradda Sumatra ee dalka Indonesia ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 19 qof halka toddobo kalena la la’yahay, sida ay saraakiishu sheegeen, gurmad ayaa socda lagu baadigoobayo dadka maqan.

Duufaanta roobka ayaa wadatay , dhagaxaan iyadoo geedo badan  rujisay dhulka  buuraleyda ah meel u tuulooyinka hoos yimaada degmada Pesir Selatan ee galbeedka gobolka Sumatra goor dambe oo jimco ah kadib roobab mahiigaan ah.

Yusrizal oo kamid ah saraakiisha gurmadka ayaa sheegay in samatabbixiyeyaashu ay 7 meyd ah ay ka soo saareen tuulada Koto XI Tarusan iyo saddex kale oo laba tuulo oo deris ah, waxaana uu sheegay Roobka da’aya uu wato duufaan xooggan.

“Dadaalka gargaarka ee dadka dhintay iyo kuwa la la’yahay waxaa curyaamiyey koronto la’aanta, waddooyinka xiran oo ay qariyeen dhoobo qaro weyn iyo burbur,” ayuu yiri Yusrizal oo kamid ah saraakiisha gurmadka oo hadlay.

Bishii Disembar, ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay markii dhul go’ay iyo daadad ay qaadeen daraasiin guryo ah ayna burburiyeen hoteel u dhow harada Toba ee Sumatra, gobolkaan oo dhul buuro ah ayaa biyuhu ku rogmadaan marwalba.