U bood dhigaalka

Madasha Iskaashiga Adeegga Gaarka Loo Leeyahay iyo Kan Dowliga oo Muqdisho Laga Daahfuray

Sheeko:Caafimaadka

Wasiirka wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federalka Soomaaliya Dr. Ali Haji Adam ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray madaxsha Iskaashiga adeegga gaarka ah ee loo leeyahay adeegga dowliga ah ee qeyta caafimaadka

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Guuleed Cabdijaliil waxaana kasoo qeybgaley Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, agaasimayaal, xubno ka socdey qeybaha gaarka loo lee yahay iyo kuwa Dowliga ah ee qeybta Caafimaadka Soomaaliya, aqoonyahano, kaadiriin dhanka Caafimaadka ah, Dhaqaatiir iyo marti sharaf kale.

Munaasabadda Daahfurka madasha wadahadlka u dhaxeeya qeybaha gaarka loo leeyahay iyo kuwa Dowliga ah ee bixiya Caafimaadka waxaa looga hadley isdii labada dhinac ay si wadajir ah u wada shaqeyn lahaayeen iyo in la hello jawi wadashaqeyn oo ka duwan midka hadda jira si loo gaaro yoolka fog ee ah in bulshadeenu hesho Caafimaad nidaamsan oo tayeysan taasoo qeyb ka ah bartilmaameedka Caafimaadka horumarsan ee dalkeena.

Dhammaan madaxdii kasoo qeybgashey ayaa tilmaantey in wadashaqeynta qeybaha gaarka iyo kuwa dowliga ah ay ka dhigan tahay in isbadal xoogan oo dhinaca horumarka ah uu ku socda Caafimaadka Soomaaliya taasoo muujineysa dadaalka aan kala joogsiga la heyn ee ay Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku baadi goobeyso xaqiijinta Caafimaadka dhameystiran ee Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Ali Haji aden ayaa sheegey in waajib qaran ay tahay wadashaqeynta labada dhinac si bulsho waynta Soomaaliyeed ee u heelan adeegyada Caafimaadka u helaan, waxa uuna ka mahad celiyey in dedaalada qeybaha gaarka loo leeyahay iyo kuwa Dowliga ah ay markasta ugu hiilinayaan dadkeena.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an wax ka qabashada baahiyaha Caafimaad ee ka jira Dalka iyo sidii lagu horumarin lahaa Caafimaadka