U bood dhigaalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo Shacabka Ugu Hambalyeeyay Bilasha Bisha Ramadaan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha Barakaysan ee Ramadaano o caawa laga arkay inta badan guda dalka.

Madaxweynaha ayaa qoraal uu soo dhigay umadda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay isku naxariistaan taakuleeyaanna dadka danta yar ee Soomaaliyeed kuwaas oo la tacaalaya nolosha oo aan heysan wax ay ku afuraan “ Dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan caalamka Islaamka waxaan idiin ku hambalyeynayaa munaasabadda barakaysan ee bilashada bisha Ramadaan” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa qoraalka siiwato ayaa yiri Bisha naxariista iyo dambi dhaafka awgeed, waxaan dadka Soomaaliyeed ku baraarujinayaa in ay u istaagaan taakuleeynta dadkeenna danyarta ah, oo ay badiyaan Rabbi-bariga bishan barakaysan oo dalka iyo dadkaba ugu duceeyaan amni iyo barwaaqo.