U bood dhigaalka

Wasiirka Gaashaandhigga oo Dhagaxdhigay Xarun Cusub oo Loogu Talogalay Taliska Dhulka

Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/gaas ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa Maanta Dhagax dhigay Xarunta Taliska Ciidanka Dhulka.

Dhagaxdhigga ayaa waxaa sidoo kale wasiirka ku wehlinayay Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS Gen Dayah Cabdi Cabdulle waxaana xaruntaan ay noqon doonaa mid si gaar ah ay ugu shaqeeyaan taliska ciidanka dhulka xoogga dalka Soomalaiyeed

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin oo ka hadlay Munaasabada Dhagax dhiga ayaa sheegay in dhaxgax dhiga xarunta ay qeyb weyn ka qaadan doonto daboolida baahiyaha ciidnka.

Wasiirka Gaashandhigga XFS  Mudane,Cabduqaadir Maxamed Nuur  ayaa Tilmaamay in Muhiimada Dhismaha xarunta Taliska ciidanka dhulka uu u leeyahay muhiimad gaar ah, isagoona xusay in Si isxilqaan ah loo dhisayo Xaruntaan.