U bood dhigaalka

Mashruuc Afurin Dadka Dantayar oo lagu Daahfuray Maagaalada Muqdisho

ByAbdulkadirMarch 11, 20241 Min Read

Munaasabadd Kooban oo ka dhacday xarunta dhexe ee SoDMA, goobjoogna ay ka ahaayeen mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adda Maareynta iyo dowladda Qatar ayaa lagu daahfuray Mashruuc afurin ah oo loo sameenaayo dadka dantayar iyo kuwa barakacyaasha ah ee ku nool gudaha Dalka.

Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ahaa guddoomiye ku-geenka hey’adda SODMA Dr Axmed Cabdi Aadan, Safiirka iyo  Safiirka Dowladda Qatar ujooga Soomaaliya, mashruucaan ayaa looga golleeyahay sidii bulshada loo gaarsiin lahaa afur kuwooda danyarta ah bisha Ramadaan.

Mashrucaan waxaa iska kaa shanaya SoDMA iyo Hay’adda Qatar Charity, waxaana lagu wadaa in Gargaarkaan la gaarsiiyo 10,200 oo qoys, sidoo kale goobaha gargarkaan la garsinayo waxaa kamid ah xarumaha lagu xanaaneeyo caruurta agoonta ah.