U bood dhigaalka

Taliyaha Hay’adda NISA  oo Kormeeray Qaar Kamid ah Baraha Laga Hubiyo Amniga Caasimadda

Sheeko:War

Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa kormeer qiimayn ah waxaa uu ku tagay qaar kamid ah goobaha lagu hubiyo Gaadiidka iyo Dadka la socda ee Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho’ taliyaha ayaa muddo ku suganaa goobahaasi.

Ciidamada u qaabilsan hubinta Gaadiidka ayaa taliyaha warbixin kooban ka siiyay, halka sidoo kale uu goobjoog ka ahaa howlgallo ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xaqiijinayeen amniga, waxaa sidoo kale uu booqday shacabka afaurka ku suganayay goobaha aan ka fogeyn.

Taliye Mahad ayaa Intaas kaddib waxa uu la afuray ciidanka isaga oo halkaas kula tukaday salaadda, xilli uu billaabay inuu kulamada Bulshada uu la qaadanayo isaga oo tagay qaar kamid ah goobaha lagu cunteeyo oo ay fadhiyeen Dad kala da’ duwan, waxaana safarkiisa uu u ahaa kormeer iyo u kuurgalid.

Xildhibaan Abuukar Xaadoole ayaa taliyaha ku wehlinayay socdaalka, waxaana uu ciidanka ammaanka ugu mahadceliyay ammaanka iyo isbedelka muuqda ay ka dhaliyeen caasimadda, xilli u uku sugnaa Shineemo Cabdi Waayeel ee Degmada Hilwaa oo ay adkeyd inuu mas’uul dowladeed tagi karo.

Xildhibaanka ayaa ugu baaqay shacabka caasimadda in ay garab istaagaan ciidamada ammaanka si loo xasiliyo amniga caasimadda, Boliis Militaria ayaa sanad waxaa u buuxsamaya markii iyaga iyo NISA lagu wareejiyay amniga Muqdisho Ramadaankii lasoo dhaafay 2023 oo Muqdsho xaalad adag ku jirtay.