U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kulan Dhiiragelin ah u Sameeyay Ciidanka Dhoolatuska Kasoo Laabtay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka kulan dhiiragelin ah kula qaatay ciidamo ka tirsan Kumaandooska Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ka qayb galay dhoola-tus Millatari oo ciidamo ka socday 23 waddan ay ku sameeyeen dalka Kenya, dhoolatuskaas ayey kusoo bandhigeen waxyaabo badan oo kamid ah casharro Milatariga.

Madaxweynaha ayaa ciidamada ku bogaadiyey kartida, aqoonta, xirfadaha sare ee ay soo bandhigeen iyo sumacadda ay usoo hooyeen Qarankooda, isaga oo kula dardaarmay in ay u dhaqaaqaan waajibka qarannimo ee ka saaran xoreynta dalka oo ay qeybtooda ka qaataan dardargalinta hawlgallada dalka.

“Guusha iyo wanaagga waa la wada jecel yahay waana la sheegtaa, dhallinyaro waad mahadsan tihiin  Soomaaliya manta waxwalba ayey u baahan tahay, laakiin waxyaabaha ay u baahan tahay waxyaabaha ugu muhiimsan waxaa kamid ah Soomalaiya magac ayey u baahan tahay” ayuu yiri Madaxweynaha.

Dhoolatuskaan Milatari ayaa ahaa kii ugu horeeyay oo ciidanka Soomaaliyeed ay ka qeyb galaan tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe, waxaana dhoolatuskaan lagu soo bandhigay sida looga hortago weerarrada iyo fulinta howlgallada qorsheysan kuwaas oo laga fuliyo dalalka ay ka jiraan amni darrada.

Ciidamada Danab ayaa kaalin muuqata ku leh dagaalka iyo howlgallada qorsheysan ee lagu beegsado Al-shabaab, waana Kumaandooska ugu Tayada sareeya ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, tababarkooda iyo qalabeyntooda ayaa waxaa gacanta ku haya codladda Mareykanka tan iyo markii dib loo aasaasay.

Dowladaha Soomaali iyo Kenya ayaa loogu baaqay in ay iskakaashtaan sidii wax looga qaban lahaa fulinta howlgallo ka dhan ah Al-shabaab oo inta badan weerarro ka fuliya dalalkaasi, Soomaaliya ayaa badanaa weerarrada ka waxaa fuliya ciidanka kumaandooska Dana boo kaashanaya saaxiibadooda caalamiga ah.