U bood dhigaalka

SSC Khaatumo oo Maxkamadda Dambiyada Adduunka(ICC) Geysay Baarista Gal Dacwadeed kadhan ah Somaliland iyo Madaxdeeda

Maamulka Kumeelgaarka ah ee SSC Khaatumo ayaa maxkmadda caalamiga ah ee dambiyada ICC u gudbiyay gal dacwadeed kadhan ah Somaliland.

Sida uu Goobjoog u xaqiijiyay Cabdisalaan Iimaan oo ah Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee maamulka SSC Khaatumo, Maxkamada caalamiga ah ee danbiyada dagaalka ee ICC ayaa aqbashay baarista dacwad ka dhan ah madaxda iyo Saraakiishii Somaliland ee hogaaminaysay dagaalkii Laascaanood.

Galka waxaa lagu lifaaqay qiraalka saraakiil la qabtay, eedo laga qoray ehelada dadkii la dilay iyo cadeymo badan oo ah xasuuqii ka dhacay inta u dhaxeysay December 26, 2022 ilaa August 25, 2023.

Madaxda iyo Saraakiisha Gal Dacwadeedka Kujira waxaa ka mid ah;

(1). Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi
(2). Maxamed Kaahim; Wasiirka Arrimaha Gudaha
(3). Cabdiqani Caateeye: Wasiirkii iscasilay ee Gaashaandhigga
(4). Gen. Nuur Taani; Taliya Ciidanka Xoogga Somaliland
(5). Gen.Mahad Cilmi oo heystay ciidanka qeybta Laascaanood
(6) Gen. Faysal Cabdi Bootaan; oo ah sarkaal hadda Khaatumo heyso, heystana 12-aad
(7). Gen. Cabdi Tiir oo madax ka ah ciidanka RRU
(8); Kabtan Axmed Muuse Biixi oo heysta Sirdoonka
(9). Gen. Cali Barre; Qeybta Bari
(10). Col. Axmed Cayaash oo la hayo, ahaana 17-aad ee Laascaanood.