U bood dhigaalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo Booqday Dhaawacyada Weerarkii Ka Dhacay SYL Hotel

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqday Isbitaalka Erdogan ee magaalada Muqdisho oo lagu dabiibayo qaar ka mid ah dhaawacyada, mas’uuliyiin iyo dad shacab ah oo ku waxyeeloobay weerarkii SYL Hotel.

Madaxweynaha oo mid mid u dul istaagay dhaawacyadan ayaa Alle u weydiiyay caafimaad degdeg ah, waxaana booqashadiisa ku wehlinayay mas’uuliyiin uu kamid yahay taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo mas’uuliyiin kale oo katirsan hey’adaha ammaanka ka shaqeeya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn kormeer ku tagay xarunta hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda Qaranka NISA, halkaasi oo uu ku dhageystay warbixino horudhac ah oo ku saabsan weerarkii lagu qaaday ee hotel SYL oo ay ka dhasheen khasaare kale duwan.