U bood dhigaalka

Akhriso: Ajandaha Ay Ka Wadahadleen Hey’adda Duulista iyo Hey’adda ICAO

Kulanka inta uu socday ayaa la boggaadiyay horumarada ay sida dhaqsada leh u gaartay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, halkaa oo sidoo kale lagu soo bandhigay warbixintii u dambeeysay ee qorsheynta iyo horumarinta Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa sheegay in hey’addu muddooyinkii dambe ay sameynaysay hormarro kale duwan, kaas oo waxtar u leh bulshada Soomaaliyeed ee adeegyada kale duwan ka hela hey’adda.

“Natiijada kullamadan , waa inan gaarna hiigsiga u sarreeya ee ah horumarka Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed inuu noqdo mid wax u tara qarankeenna iyo guud ahaan qaaradda iyo caalamka ,” ayuu yiri Maareeyaha guud ee Hay’adda Duulista oo ka hadlayay goobta.

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed , waxaa kalo ay soo bandhigtay qorshaheeda dhow ee horumarinta qalabka iyo howlwadeennada oo gacan ka gaysanaya dardargelinta qorshaha guud, waxaana muddooyinkaan dambe hey’addu ay sameynaysay hormarro kale duwan.