U bood dhigaalka

Dhacdo Naxdin leh: Ganacsade Ceego Lagu Dilay Suuqa Bakaaraha

Wararka naga soo gaarayo Suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa sheegaya in guri ku yaalla halkaasi laga helay Meydka Aabe Da’ahaa, kaas oo wararku sheegayaan in la dilay habeenimadii xalay.

Marxuumka ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Axmed Maxamed Cumar oo kamid ahaa ganacsatada suuqa Bakaaraha oo 60-dan jir ahaa, sida laga soo xigtay ehelada marxuumka.

Qaar kamid ah Ehelada Marxuumka oo warbaahinta kula hadlay Isbitaalka Madiina oo la dhigay Meydka Marxuumka ayaa sheegay in lagu dilay xarig lagu ceejiyay isaga oo ku sugnaa gurigiisa.

Maalmihii dambe ayaa waxaa jiray muran u dhaxeeyay marxuumka iyo nin la sheegay inuu ka deganaa Bakaar ku yaalla suuqa, sida uu warbaahinta la wadaagay mid kamid ah ruux ehelka ah.

Magaalada Muqdisho maalmihii ugu dambeeyay waxaa ka dhacayay dilal argagax leh, kuwaas oo ay la kulamayeen bulshada, waxaana ugu dambeeyay dhacadadaan ka dhacday Bakaaraha.