U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Gaaray Ereteriya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Asmara ee dalka Ereteriya halkaas oo ku tagay booqasho laba maalmood ah, madaxweynaha ayaa garoonka waxaa kusoo dhoweeyay Madaxweyne Isaias Afwerki.

Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku qotoma adkaynta xiriirka labada dal, kor u qaadidda iskaashiga difaaca, amniga iyo ilaalinta xasilloonida Gobolka, waxaana inta uu halkaas ku sugan yahay uu kulamo arrimahaas ku saabsan la qaadan doonaa madaxweyanah dalkaasi

Madaxweyne Xasan Safarkiisa Asmara ayaa kusoo aadaya xilli gobolka ay wali ka taagan tahay xiisadda ka dhalatay heshiiskii isafgaradka ahaa ee Itoobiya la gasha Somalailand, waxaana sidoo kale gobolka ka socota hardanka loogu jiro kursiga guddoomiyaha Midowga Afrika ee 2025,