U bood dhigaalka

Akhriso: Ajandaha Madaxweynaha Xasan uu Kala Hadalay Dhiggiisa Eriteriya Isaias Afwerki

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Aqalka Madaxtooyada magaalada Asmara kulan kula qaatay dhiggiisa dalka Eriteriya Isaias Afwerki, labada madaxweyne ayaa kulankooda uga hadlay arrimo dhowr ah.

Kulanka ayaa si gaar ah waxaa diiradda loogu saaray xoojinta xiriirka iskaashiga labada dal, Arrimaha gobolka ka jira iyo guud ahaan caalamka, iyadoo si gaar ah loo dul istaagay iskaashiga dhanka amni ee u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Eriteriya sii xoojintiisa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga warbixiyey dhiggiisa dalka Eriteriya Mudane Isaias Afwerki dadaallada dowladda Soomaaliya ugu jirto la dagaalanka Al-shabaab xilli laga saaray deegaanno badan.

Kulanka kadib labada Madaxweyne ayaa socod ku soo maray goobaha dadweynaha ku caweeyaan ee magaalada Asmara ee xarunta Dalka Eriteriya, madaxweyne Xasan ayaa dhowr jeer safarro kale duwan ku tagay Eratariya oo Soomaaliya la leh cilaaqaad wanaagsan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda kulanka uu la qaatay ayaa kusoo aadaya xilli dowladda Soomaaliya ay markale qorsheynayso in ciidamo ay u dirto dalkaasi si ay tabarro ugu soo qaataan, waxaana sidoo kale gobolka ka taagan xiisadda arrimaha badda iyo damaca Itoobiya.