U bood dhigaalka

Madaxweyne Putin Vladimir oo Ku Guulestay Doorashada Madaxweynaha Ruushka oo Hal Dhinac ah

Guddiga doorashooyinka Ruushka ayaa ku dhawaaqay in Madaxweynaha talada haya Vladimir Putin uu helay 88% codadkii la dhiibtay tirinta codadkii ugu horreeyay ee doorashadii madaxtinimo ee Axaddii dalkaasi ka dhacday, waxaana u uku adkeystay inuu ku guuleystay doorashada ka dhacay dalkaasi.

Doorashadan ayaa loo arkay dhoolatus aan codbixiyaasha fursad u siinin inay doortaan cid si dhab ah ula baratameysay Puttin. Putin ayaa dalkaasi gacan adag ku hayay, isla markaana caburiyay mucaaradka iyo kuwa naqdiya doorka ku leh siyaasadiisa, muddo 24 sanadood ah, waxaana uu yiri isagoo hadlayay.

“Si kasta oo ay doonaan ama inta ay rabaan inay nagu cabsi geliyaan, iyada oo aan loo eegin cidda ama inta ay rabaan inay nagu xakameeyaan, rabitaankeena, miyir-qabkayaga – qofna waligiis kuma guuleysan wax sidan oo kale ah taariikhda,” ayuu Putin ku yiri qoraal lagu baahiyay bogga kooxdiisa ololeynaysa.

Doorashada saddexda maalmood ah ee billaabatay Jimcihii ayaa kordhisay xukunka Putin uguna dartay muddo lix sanadood ah oo kale, waxaa doorashadan ay timid iyadoo aysan jirin cid Ruushka ku dhiiran karta inay dhaleeceyso Puttin ama ay ka hadasho dagaalka uu ku hayo Ukraine oo laba sano jirsaday.

Ninkii ugu weynaa ee mucaaradka ku ahaa Putin, Alexey Navalny, ayaa ku dhintay xabsi dalkaasi ku yaala bishii la soo dhaafay, dadka dhaleeceeyana waxay isugu jiraan qaar xabsiyada ku jira iyo kuwo dibad joog ah oo dalkaasi ka cararay, kadib markii lasoo gaarsiiyay fariimo hanjabaadyo ah oo kaga timid Putin.

Sida laga soo xigtay guddiga dhexe ee doorashada ee Ruushka, wuxuu haystay boqolkiiba 87 codadka iyadoo 60 boqolkiiba xaafadaha la tiriyay. Natiijadu waxay la macno tahay in Putin oo 71 jir ah uu dhaafi doono Joseph Stalin oo uu noqon doono hoggaamiyihii ugu muddada dheeraa ee Ruushka 200 oo sano.

Community Verified icon