U bood dhigaalka

Soomaaliya oo Ka Qeybgashay Shir Ku Saabsan Adkeysiga Isbedelka Cimilada

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa dalka UK kaga qeyb galay shir ku saabsan sidii wadajir looga shaqayn lahaa dhisidda u adkeysiga cimilada ee xaaladaha jilicsan iyo kuwa colaaduhu saameeyeen oo ka dhacay Wilton Park.

Shirkaan oo la isugu keenay samafalayaasha bini’aadannimada, khubarada isbeddelka cimilada, u dhaqdhaqaaqayaasha nabadda iyo hawl-wadeennada horumarinta oo ka kala yimid caalamka ayaa looga dooday sidii xal waara loogu heli lahaa khataraha is-daba-joogga ah ee ay ku jiraan u nuglaanta isbeddelka cimilada ee ay wajahayaan bulshooyinka ay saameeyeen jilicsanaanta iyo rabshadaha.

Guddoomiyaha SoDMA Maxamuud Macalin ayaa madasha la wadaagay xaaladaha bani’aadannimo ee dalka iyo sida ay lama huraaan u tahay in maalgalin loo helo mashaariicda dhiseysa adkeysiga bulshada, si loo dhimo khatartaha kala duwan ee ay wajahayaan dadka nugul.