U bood dhigaalka

Hey’adda SODMA oo Gargaar Kala Duwan Ka Qeybisay Caasimadda iyo Deegaannada Hoostaga

Hay’adda SoDMA, ayaa maanta markale deegaanka Garasbaaleey si gaar ah waaxda afaraad, iyo xaafadda Weydow degmooyinka Xamar-jajab iyo Howlwadaag waxa ay gargaar ugu qaybisay 13,900 oo qoys oo iskugu jira danyar, barakacyaal iyo kuwa naafo ah.

Deegaanka Garasbaaleey waxaa gargaar loogu qaybiyey 12,000 oo qoys halka degmooyinka Xamar-jajab iyo howlwadaag gargaar loogu qaybiyey 1,900 oo qoys,  qoysaskaan ayaa u badan dad danyar ah kuwaas oo gargaarka siweyn ugu baahnaa xilligaan bisha Ramadaan.

Qoysaska gargarkaan afurinta ah aad uga faa’iideeystay ayaa u mahadceliyay  Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA, oo u taagan caawinta iyo u gargaarida bulshada Soomaaliyed oo xilligaan ku jora bisha Barakeysan ee Ramadaan.