U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan: Eritrea Dan gaar ah kama leh Soomaaliya, Waxaana la kaashaneynaa Ladagaalanka Argigixisada

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo socdaal labo maalin ah ku tagay Eritrea ayaa sheegay in dhiggiisa dalkaasi Isaias Afwerki uu kala hadlay arrimo ay ka mid yihiin la dagaalanka argigixisada.

Shir Jaraa’id uu qabtay ayuu sidoo kale uga hadlay sida Asmara ay mar weliba u taageerto Soomaaliya iyada oo aan dan gaar ah ka lahayn, gacanna ay ka geysato howlaha la dagaalanka Argigixisada, tababarada iyo qaar kale.

“Waxaan halkan u imid inaan madaxweynaha warbixin aan ka siiyo isbedellada iyo hormarrada socda iyo inaan weydiino sida hore loogu siiwadi karo in dalka laga xoreeyo Argigixisada, Eritrea waxaa ay khibrad weyn u leedahay qarandhisidda, daldhisidda iyo dhinacyada ammaanka” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa tilmaamay in labada dal ee Eritrea iyo Soomaaliya uu ka dhaxeeyo xiriir saaxiibtinimo oo qoto dheer, Ereteriya-na aaney Soomaaliya ka laheyn dan gaar ah marka laga yimaado in ay ka tagaeerayso hannaanka dowlad dhiska in badan ay taageerto dowladnimada.

“Tiro ciidankeena ah ayaa halkaan lagu tababaray oo lagu qalabeeyay, Eritrea waxaa ay sameysay waxay sameynin dowlado badan, dalal aad u yar ayaa sameeyay waxa ay sameysay Eritrea waxa ay ka sameysay Soomaaliya aad ayaa ugu mahadcelinayaa” ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxweynaha oo sii hadlayay.

Safarka madaxweynaha u uku tagay Eritrea ayaa kusoo aadaya xilli dalkaas dhowaan lagu tababaray in badan oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka qeybihiisa, dowladda ayaa qorsheynaysa in ciidamo hor leh ay u dirto tababar, maadaama Eritrea iyo Soomaaliya ay leeyihii cilaaqaad wanaagsan oo dhanka amniga ah.