U bood dhigaalka

Dowladda Bangaladesh oo Ka Digtay Weerar Lagu Qaado Markabka ay Ka Heystaan Burcad Badeedda

Dowladda Bangaladesh ayaa diiday in Markabka MV Abdullah, oo ay afduubteen kooxaha burcad badeedda Soomaalida weli lagu haystaa xeebaha, degaanada Puntland, waxaana Meesha  ay meesha ka saareen in la weeraro markabka, iyadoo xustay in la ilaaliyo badqabka shaqaalaha la socda markabka.

Khorshed Alam oo ka tirsan waaxda badda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Bangladesh ayaa ku adkaystay go’aanka ku aaddan in laga fogaado faragelinta hubaysan, Markabkaan ayaa dhowaan gacanta u galay kooxda burcad badeedda xilli uu marayay biyaha Soomaaliya gaar ahaan Badweynta Hindiya.

Maamulaha guud ee SR Shipping, Meherul Karim, ayaa xoojiyey mowqifkan, isagoo sheegay in weyn loogu baahan yhaay badbaadada shaqaalaha ay tahay mudnaantooda ugu sareysa, wuxuuna xusay in ay meel wacan u marayaan xiriirka ay la sameynaayaan kooxaha burcadbadeedda ee Markabka heysata.

Si kastaba ha ahaatee, shirkadda ayaa warbixin ka heshay kabtanka markabka oo kula soo xiriiray qadka taleefoonka satalaytka, iyadoo la xaqiijiyay in dhammaan shaqaalihii markabka ay xaaladdoodu wanaagsan tahay, ayna si wanaagsan ula dhaqmeen burcad-badeedda.

Markabkan oo sida 55,000 oo tan oo dhuxul ah ayaa ku sugan meel afar mayl u jirta xeebaha gobolka Nugaal ee Puntland tan iyo markii laga qabsaday meel 600 mayl- xeebta u jirta toddobaad ka hor, Sida laga soo xigtay falanqeeyayaasha badda, burcad-badeedda ayaa sugaya in lasiiyo lacago madax-furasho.