Waxaa si aad ah isusoo taraya wararka sheegaya in duqeyn diyaaradaha Israa’iil ay ka gaysteen Qasa lagu dilay tobannaan qof oo ay ku jiraan ugu yaraan 23 qof oo ilaalo u ahaa dadka gargaarka gaarsiinayay baakacayaasha Falastiinyiinta ah, waxaana ay noqotay dhacdadaan mid siweyn loo cambaareeyay.
Sidoo kale dhacdo kale ayaa lagu warrmayaa in ay ku dhinteen 20 qof oo kale kadib weerar lagu qaaday dhisme ku yaalla xerada qaxootiga ee Nuseirat ee baratamaha Qasa, dadka la dilay ayaa waxaa ku jira xilli hey’adda WHO ay sheegeyso in ay ka walaacsan tahay dhibaatada heysata caruurta Falastiin ee Qasa.
“Nasiib darro, haween, carruur iyo deriska ayaa lagu dilay halkan, Inkasta oo waxaas oo dhan ay jiraan, waxaan leenahay Alxamdulilaah. Dhaqaale la’aan awgeed, maydadka ayaa ku hoos jira burburka, mana awoodno inaan soo saarno” ayuu yiri Miqbil oo gurigooda la weeraray ayaa Aljazira u sheegay hadalkaan.




From the comments