U bood dhigaalka

100 Falastiiniyiin ah oo Lagu Dilay Weerarradii Ugu Dambeeyay Marinka Gaza Muddo 24 Saac ah.

Waxaa isasoo taraya khasaaraha dhashay weerarrada Israel ay ku heyso Qaza, iyadoo la xaqiijiyay In ka badan 100 falastiiniyiin ah  lagu dilay weerarradii ugu dambeeyay ee 24-kii saac ee ka dhacay Marinka.

Duulaanka Israel ee isbitaalka al-Shifa ee magaalada Gaza ayaa galay maalintiisii ​​afraad oo xiriir ah,xilli  daraasiin dad ah la dilay lana barakiciyay falastiiniyiin badan,kuwaas oo la kulmay isirsifeyn iyo tacadiyo.

Ra’iisulwasaaraha Israel Netanyahu ayaa u sheegay senetarada Mareykanka ee Jamhuuriga in Israa’iil ay sii wadi doonto dagaalka ay ku jabinayso Xamaas, waxaana sii kordhaya werarrada lagu hayo shacabka.

 Xoghayaha arimaha dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa bilaabay socdaallo uu ku marayo Bariga Dhexe isagoo wadahadallo Sacuudiga kula yeelanaya dhaxalsugaha Boqortooyada Maxamed Bin Salman.

Ugu yaraan 31923 falastiiniyiin ah ayaa la dilay 74096 kalana waxaa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo Oktoobar 7, waxaana wali sii socda dhibka shacaka kasoo gaaraya weerarrada sii socda.