U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh: Sidii Xildhibaannada Loo Dooran Jiray in lagu Celiyo Laguma Qancayo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay salaaddii jimcaha kadib ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay ku jirto dastuurka iyo doorashada 2026-ka.

Madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu xaqiijiyay in dhameystirka dastuurka ay tahay shaqo hortabin u leh, oo ay ka go’antahay in lasoo gabogabeeyo oo aan loo rarin baarlamaanka 12-aad, isagoo sheegay inuu kamid yahay 5 qodob ee uu baarlamaanka ka hor ballanqaaday .

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa tilmaamay in xilligii la doortay oo 15 bisha May uusan dooneyn inuu maalin dib uga dhaco, waxaana uu tilmamay inuu qaban doono doorasho ka qurux badan middii lagu doortay May 2022, taas oo aad loogu dhaleeceeyay musuqmaasuq badan iyo in kuraas badan la kala boobay.

“Diyaar uma ihi 15-ka May ayaa la I doortay, 15-ka May in Madaxweynaha aniga ibadalaya ama haddii aniga dib la ii dooranaayo doorashada Madaxweynaha 15-ka May iney dhacdaan rabaa, in wax lagu daro marabo, mid sidii aan isku dooran jirnay ka fiican ayaan isku dooran doonaa” ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweynaha oo hadalkiisa siiwato ayaa tilmaamay in doorashada oo ay ka dhiman tahay 3 sano ay ka shaqeynayaan nuuca doorasho ee dalka ka dhici doonta May 2026-tan, waxaana uu Meesha ka saaray in dib loogu laabanyo doorashada Teendhadii Afisyooni, isagoo carabka xusay dib u dhac aysan jiri doonin.

“3 sano ayadoo ay ka dhiman tahay ayaa waxaan soo bandhigayaa oo aan ka hadlayaa, sida loo dooran doobo 3 sano kabacdi madaxweynah iyo Baarlamaanka sidii loo dooran lahaa maanta ayaa ka hadleynaa, 330-ka Xildhibaan sidii loosoo doortay in markale loosoo doorto ku qanacsan majiro” ayuu sii raaciyay.

Hadalka madaxweynaha ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli muddooyinkii dambe dowladdu ay waday nuuca doorasho ee dalka ka dhacaya, xilli Golaha Wadatashiga Qaran ay go’aamiyeen in loo guuro nidaamka madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka doorashada soo aadan ee May sanadka 2026-tan.