U bood dhigaalka

Taliyaha Xoogga Dalka oo Galmudug u Tagay Sidii Dib Loogu Bilaabi Lahaa Howlgallada Al-shabaab.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka General Ibrahim Sheekh Muxiyadiin Cadoow ayaa socdaal ku maraya deegaanno kamid ah dowlad goboleedka Galmudug, isagoo u kuurgalaya xaaladda ciidamada iyo in dib loogu bilaabo howlagallada ka dhanka ah Al-shabaab oo ka bilaabanaya deegaannada maamulkaasi.

Taliyaha ayaa socdaalkiisa ka bilaabay deegaanno dhaca bariga gobolka Galgaduud, waxaana uu gaaray magaalada Ceeldheer ee gobolkaasi’ isagoo halkaas kula kulmay saraakiisha ciidanka xoogga dalka oo uu kala hadlay sidii Al-shabaab looga saari lahaa deegaannada ay ka joogaan bariga gobolka Galgaduud.

Sidoo kale taliyaha ayaa socdaalkiisa ku gaaray degmada qadiimiga ah ee Xarardheere, halkaas oo ay ka muuqdo isbel weyn tan iyo markii laga saraay Al-shabaab, waxaana saraakiisha ciidanka ugu baaqay sidii Al-shabaab looga saari lahaa deegaannada dhaca Koonfurta gobolka Mudug oo ay howlgallo ka socdaan.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka General Ibrahim Sheekh Muxiyadiin Cadoow ayaa dhowaan sheegay in dowladdu dib u bilaabayso howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab, waxaana uu tilmaamay in markaan la qorsheeyay in lagu qaado furimo kale duwan, gaar ahaan Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug.

Socdaalka taliyaha ayaa kusoo aadaya xilli muddooyinkii dambe dowladdu ay waday diyaar garowgii ugu dambeeyay, kaas oo loogu jiro sidii Al-shabaab looga saari lahaa deegaannada ay ka joogaan labada Shabeelle Hirshabeelle iyo Galmudug oo howlgallo baaxad leh dib looga bilaabayo maalmaha soo aadan.