U bood dhigaalka

Saraakiil Sare oo Ka Tirsan Xoogga Dalka iyo Taliska Booliiska oo Gaaray Deegaanka Dhanaane

Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle iyo Taliyaha qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir G/Sare Macalin Mahdi ayaa gaaray deegaanka Dhanaane ee gobolka Shabeellada Hoose, halkaas oo uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Al-shabaab iyo ciidanka dowladda.

Saraakiishaan ayaa soo kormeeray goobihii lagu dagaalamay, waxaana ciidanka ay ku ammaaneen sida ay uga hortageen weerarkii lagu soo qaaday, xilli halkaas u uku geeriyooday sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidanka Booliis Milatariya oo lagu magacaabayay Liibaan Golcad oo dagaalka dhacay lagu dilay.

 Deegaannada Dhanaane iyo Jilib Marka oo ka tirsan Shabeellaha hoose ayaa waxaa howgallo dhowaan kula wareegay ciidanka Booliis Milatariya iyo ciidanka Booliiska gaarka ah ee Haramcad oo maalmahaan howlgallo ka waday deegaannadaas, kadib markii taliska xoogga u uku dhawaaqay in la qaado howlgallo.