U bood dhigaalka

Maxaabiis Iraaniyiin ah oo Laga Siiyay Xabsiyo Ku Yaallo Soomaaliya iyo Dowladdooda oo Ka Hadashay

Dowladda Iran ayaa sheegtay in maxaabiis kaga xirnaa Soomaaliya ay dib u heleen xorriyaddooda, kadib markii laga sii daayay xabsi ay muddo ku xirnaayeen, maxaabiistaan ayaa lasoo qabtay xilli ay ku gudo jireen kalluumeysi sharci darro ah.

Muwaadiniinta reer Iran ayaa ka koobnaa tiro ahaan 33 kaluumaysato iyo badmaaxiin isugu jira waxaana ay dib ugu laabanayaan dalka Iran iyagoo diyaarad lasoo saarayo sida ay laga soo xigtay warbaahinta Irna ee Iran iyo dowladda Soomaaliya.

Cali Maxamed Cumar Balcad oo ah kusimaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa ku wargeliyay in 33-kaluumeysato iyo badmaaxiin u dhashay dalka Iran oo ku xirnaa xabsiyada Soomaaliya la sii daayay, kuwaasi oo dib ugu soo laabanaya dalkooda, sida uu ku dhawaaqay Safiirka Iran u fadhiya Kenya Ali Gholampour.

Gholampour oo sidoo kale ah Safiirka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran u fadhiya Soomaaliya ayaa intaa ku daray in mas’uuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Soomaaliya ay shaaciyeen in ay diyaar u yihiin in loo gudbo hannaanka dib u soo nooleynta xiriirka labada dal oo go’ay dhowr sano ka hor.