U bood dhigaalka

Hey’adda Maareynta Musiibooyinka Ee SODMA oo Gargaar Maanta u Dirtay Deegananada Jubbaland

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA,  ayaa maanta Shixnad gargaar ah oo gaaraysa 4,000 oo tan u dirtay dowlad goboleedka Jubbaland, waxana doonidaan sidda gargaarkaan lagu wadaa in ay ku xirato Dakedda Magaalada Kismaayo, waxaana lagu wadaa in la gaarsiiyo dadka soo varakacay dagalalada iyo daadadkii El-Nino.

Gargaarkaan oo Dakadda Muqdisho uu ka sagootiyey Maanta Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Dr Axmed Cabdi Aadan, waxaana ku wehliyey Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka maamulka Jubbaland Maxamed Cismaan Jaamac iyo Agaasimaha waaxda gargaarka SoDMA Sahra Cali Yuusuf.

Gargaarkaan ayaa hore waxaa dalkeena ugu deeqay Dowladdaha Ruushka iyo Sacuudiga,  waxaana hay’adda mar walba ka go’an caawinta iyo u gargaarida bulshada Soomaaliyed meel walba oo ay dalka ka jogaan, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka Jubbaland ayaa ballanqaaday in Gargaarkaan dadkii mudnaa ay gaarsiin donaan.