U bood dhigaalka

Shil Ka Dhacay Muqdisho oo Sababay Khasaare Kale Duwan

Shil geystay  khasaare kale duwan ayaa galinkii dambe ee manta ka dhacay isgoyska Jubba ee Magaalada Muqdisho, kadib markii gaari xamuul ah oo sidan Konteenaru u ku duldhacay baabuur caasi ah oo dad shacab ah ay saarneeyeen, kuwaas oo kusii jeeday guryahooda xilli lagu jiro bisha Ramadaan

Gaariga caasiga ah ayaa waxaa la sheegay in ay saarnaayeen 10 ruux kuwaas, waxaana geeriyootay laba ruux halka laba kale ay dhaawacmeen, waana dhacdo aad u naxdib badan, iyadoo xilliga shilka uu dhacayay ay aheyd goor dadku ay aad ugu mashqqulsanaayeen afurka waxaana xilliyadaas inta badan Muqdisho ka jira mashuul wadooyinka.

Shilalka ka dhasha gaadiidka waaweyn ee xambaara Konteenarada ayaa inta badan caasimadda ka dhaca waxaana ka dhasha khasare ka duwan, maamulka gobolka Baanadir ayaan wali ku guuleysan maareynta gaadiidkaan ama in xilliyo kale ay ku socdaan caasimadda si dhhibaatada ay u yaraato.