U bood dhigaalka

Soomaaliya: Maxay Ka Dhigan tahay in Laga Guuro Nidaamka Baarlamaaniga ah oo La aado Madaxtooyo?

Sheeko:Qormooyin

Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sabtidii ansixiyay 4-ta cutub ee ugu horreysa dastuurka KMG ah, kuwaas oo kala ah; Cutubka 1aad: Baaqa Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cutubka 2aad: Xuquuqda Asaasiga Ah iyo Waajibaadka Muwaaddinka, Cutubka 3aad: Dhulka, Hantida iyo Deegaanka iyo Cutubka 4aad: Matalaadda Shacabka.

Haddaba arrimaha mudan in la isdul taago waxaa ugu muhiimsan waxa kusoo kordhay cutubka “Matalaadda Shacabka”, oo arrimaha kujira ay ka mid yihiin in Madaxweynaha Jamhuuriyadda ay si toos ah u dooran doonaan shacabka isaguna uu xaq u leeyahay inuu magacaabo, shaqadana ka diro Ra’isul wasaaraha.

Arritan ayaa ka dhigan in Soomaaliya ay toos uga guurtay nidaamka Baarlamaaniga ah, ee loo wareegay nidaamka Madaxtooyada, gaar ah nooca loo yaqaano semi-presidential.

Nidaamka noocani ah ee semi-presidential waxaa uu ka dhigan yahay in hey’adaha kala duwan ay awood leeyihiin sida Madaxweynaha, Xukuumadda iyo Baarkamaanka taas oo uu dastuurka ku xadidi doono cutubyada 5aad, 6aad iyo 7aad.

Nidaamka semi-presidential ee Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha ay awood leeyihiin waxaa ku dhaqmo dalal sida Ruushka, waana hab ay hey’adaha kala duwan ee leeyihiin awoodo, in kasta oo ay kala awood badan yihiin.

Soomaaliya tan iyo 2,000 inkasta oo uu madaxweynaha soo magacaabayay Ra’isul wasaaraha hadana Dastuurka waxaa uu awood badan siinayay Ra’isul wasaaraha iyada oo marka ay timaado in ay isku dhacaan ama shaqada laga diro oo baahanayay in Baarlamaanka codka kalsooni kala noqoshada u qaado, taasi oo hadda meesha ka baxday.

In madaxweynaha uu awood u yeesho la xisaabtanka xukuumadda iyo inuu badali karo ra’isul wasaaraha iyo xukuumadda waxaa ay meesha ka saaraysaa isqabqabsiga soo jireenka ah ee laanta fulinta tusaale ahaan;

Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan waxaa uu yeeshay ilaa saddex ra’isul wasaare oo kala ahaa; Cali Khaliif Galayr, Xasan Abshir Faarax iyo Maxamed Cabdi Yuusuf, iyada oo isku dhacyada ay joogto ahaayeen.

Madaxweyne Cabdullhi Yuusuf waxaa labo jeer isku dhaceen Ra’isul Wasaare Cali Maxamed Geedi ilaa markii dambe la ceyriyo, waxaa kale oo Ra’isul wasaare ka noqday dowladdiisa Nuur Xuseen Cadde.

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed waxaa ay sidoo kale isku dhaceen ra’isul wasaareyaal loo baahday in la kala saaro sida; Cumar Cabdirashiid, Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo markii dambe uu magacaabay Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Dhanka xilligii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh saddex jeer ayay xukuumadda isbadashay, waxaana marar badan loo baahday in ra’isul wasaaraha loo weydiiyo baarlamaanka in ay kalsoonida kala noqdaan sida; Cabdi Faarax Shirdoon, Cabdiweli Sheekh Axmed iyo Cumar Cabdirashiid Sharma’arke.

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa ay isku dhaceen labadii ra’isul wasaare ee xukuumaddiisa uu u magacaabay kuwaas oo kala ahaa; Xasan Cali Kheyre iyo Maxamed Rooble, iyada oo markii dambe khilaaf lagu dhameystay.

Haddaba, inkasta oo dad badan oo nidaamkan madaxtooyo ee dalka aaday ay dad badan ku dhaliilayaan inuu meesha ka saarayo isku dheelitirankii 4.5 ee beelaha hadana ugu yaraan waxaa uu dawo u yahay is heysadka laanta fulinta, iyada oo la heli doono madaxweyne iyo ra’isul wasaare isku aragti ah, heshiis ah, isla markaana howlaha u qabta si hufan, oo isla xisaabtan leh.