U bood dhigaalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo Soo Gaaray Degmada Ceeldheer

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha JFS Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo qeyb ay ka yihiin madaxweynaha Galmudug, xildhibaano, wasiirrada gaashaandhigga iyo arrimaha gudaha, taliyaha ciidanka xoogga dalka iyo saraakiil kale ayaa hadda gaaray degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Cali (Maxamed Cajiib) iyo Xildhibaan Yaasiin Cabdullahi (Yaasiin Farey) oo degmada Ceeldheer uga sii horeeyey wafdiga, qeybaha kala duwan ee bulshada, saraakiisha ciidamada qaranka iyo masuuliyiinta deegaanka ayaa halkaas ku soo dhaweeyey wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo masuuliyiinta uu hoggaaminayo oo saakay ka baxay Muqdisho ayaa tegay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, isaga ciidamada, maamulka iyo shacabka degmada Xarardheere ku dhiirigeliyey dagaalka ay kula jiraan Khawaarijta.