U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Safar Ku Gaaray Degmada Xarardheere Ee Gobolka Mudug

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehlinayaan madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo mas’uuliyiin kale ayaa manta gaaray magaalada Xarardheere ee koonfurta gobolka Mudug.

Safarka madaxweynaha ayaa  ku wajahan u kuurgalidda xaaladda ciidanka iyo dardargelinta dib u bilaabidda dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, waxaana madaxweynaha uu noqonayaa mas’uulkii ugu horeeyay ee darajo nuucaan ah hayo oo gaaray magaalaadana tan iyo dowladnimadii Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu dardargeliyo dagaalka Al-shabaab oo muddooyinkii dambe hakad galay’ madaxweynaha ayaa markaan lagu wadaa inuu hoggaamiyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab oo haatan marayo heer gabagabo ah deegaannada dowlad goboleedka Galmudug.