U bood dhigaalka

Xubin Ka Tirsan Al-shabaab oo Isku Dhiibay Ciidanka Deegaanka Koonfurta Gobolka Mudug

Horjooge Ismaaciil Xasan Cali oo ka tirsanaa Al-shabaab ayaa xalay isku soo dhiibay ciidanka deegaanka Xinlabi ee Gobalka Mudug, kadib markii uu xiriir la soo sameeyay uu kusoo gaaray deegaanka oo lagu soo dhoweeyay.

Soodhawayn kadib waxay Horjooge Ismaaciil ku wareejiyeen ciidanka hay’ada sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA, qeybtooda Galmudug, si loo marsiiyo habraaca loo diyaariyay xubnaha isa soo dhiiba Al-shabaab.

Waxaa isa soo taraya xubnaha horay ugu tirsanaa Al-shabaab ee isu soo dhiibaya Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka, kadib markii madaxda saree e dalka ay dhowr jeer ku celiyeen in ay cafis yihiin, haddii ay ka tanaasulaan.