U bood dhigaalka

Akhriso: Ajandaha Looha Hadlay Kulanka Guddomiyaha Hey’adda Maareynta iyo Safiirka Imaaraadka Carabta

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed, Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa Safiirka Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta Danjire Axmed Jumca Al-rumeysi la qaatay kulan diiradda lagu saaray u diyaar garowga roobka Guga (Gu’) u toog-heynta halista bani’aadannimo ee ka dhalan karta fatahaado ka dhasha roobabka, xoojinta iyo ku-raad-joogga dhaqan-galka codsiyo hay’addu hore u gudbisay.

Kulanka waxaa si weyn loogu gorfeeyay sida ay muhiim u tahay in la dadajiyo hirgalinta ballan-qaadyada Imaaradka ee ku aaddan dib u habeynta biyo xireenka Sabuun ee degmada Jowhar oo u baahan qashin-saar iyo dacaytir deg deg ah iyo bixinta taageerada qarashaadka ku baxaya daabulidda deeqaha dalkaas ka yimid ee SoDMA u qorsheysay gobollada Bay, Bakool iyo Gedo, si looga hor tago ama loo yareeyo halista la saadaalinayo.

Safiirka Imaaraadka oo Guddoomiyaha SoDMA ka guddoomay sahaado-sharaf iyo mahadcelin ku aaddan shaqadii hagar-la’aaneed ee Safiirku SoDMA kala qabtay howlihii abaaraha, fatahaadaha iyo gaarista goobihii laga xoreeyey khawaarijta ayaa xusay in codsiyada hay’adda ee ku saabsanaa gargaar hor leh iyo in deeqaha Imaaraadku ka kala dajiyaan dekedaha Muqdisho, Kismaayo Berbera iyo Boosaaso la meel-mariyay, degdegna looga jawaabi doono.