U bood dhigaalka

Dab Khasaare Dhaliyay oo Ka Kacay Suuqa Bakaaraha

Dab xooggan oo geystay khasaare kale duwan oo maaliyadeed ayaa ka kacay suabaxnimadii saakay qeybo kamid ah Suuqa weyn ee Bakaaraha, kaas oo siweyn ugu faafay goobo kale duwan oo suuqa ah.

Dabka ayaa si gaar ah uga bilowday qaybta Bagaashka lagu iibiyo ee u dhaxeeya Dahablaha iyo suuqa Khaliifa oo intiisa badan ay ku yaallaan goobo lagu iibiyo ganacsiyo kale duwan oo dharku ku jirto.

Baaxadda dabka ayaa faaftay maadama goobaha uu ka bilowday ay u badan yihiin dhismayaal Jiingad ah, marka laga tago suuqa Khaliifa oo dhismo ah, laakiin qeybo kamid uu dabku saameyay sida la helayo.

Suuqa ayaa maanta oo jimco ah intiisa badan furnaa dhaqdhaqaaqiisa maadaama lagu jiro maalmaha ugu dambeeyo bisha Ramadaano o shacabku u diyaar garoobayaan maalmaha ciidda oo nagu soo fool leh.

Xoogaha gurmadka deg dega ah ee gobolka Banaadir iyo Hormuud oo iskaashanayo ayaa dadaal dheer u galay sidii loo hakin lahaa, waxaana ugu dambeyn lagu guuleystay daminta dabkii ka kacay suuqa weyn.

Suuqa weyn ee Bakaaro ayaa inta badan waxaa ka kaco dab xooggan kaas oo saameyn ku yeesho laguna waayo hanti badan, lamana oga sababta ka dambeynsay dabkii saakay ka kacay suuqa weyn ee Bakaaro.