U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kulan Gaar ah La Qaatay Dhaxal-sugaha Sucuudi Carabiya

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka aan walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa kulan la qaatay Dhaxal-sugaha dalkaas, Amiir Maxamed Binu Salmaan Binu Cabdi-casiis oo kulan gaar ay yeesheen.

Labada hoggaamiye oo ka wada hadlay xaaladda gobolka, xoojinta iskaashiga iyo xiriirka qotoda dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Sucuudiga, Arrimaha Dhaqaalaha, Maalgashiga iyo Ganacsiga, Difaaca iyo Amniga, madaxbannaanida Soomaaliya, xilli muddooyinkaaan ay taagan tahay xiisadda arrimaha badda.

Boqrtooyada Sucuudiga ayaa bandhigtay sida ay u garab taagan tahay midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya, iyagoo tilmaamay gafka iyo dhibaatada heshiiska sharci darrada ah ee Itoobiya ay la saxiixatay Maamulka Soomaaliland, kaas oo caqabad ku ah daris-wanaagga iyo xasilloonida Gobolka.

Dowladda Sucuudiga ayaa qeyb ah dowlada Soomaaliya ka dhofsada xoolaha nool xilli ay dhowaan ay bilaabanayaan dhoofkooda oo ay soo dhowdahay bisha Carafo ee Xajka, waxaana dhowr jeer dhacday in xoolo dhoofay dib loosoo celiyo dowladda ayaa baadigoobeysa xoojinta xiriirka dhinacyada ka dhaxeeya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tan iyo markii uu xafiiska ugu sareeya dalka uu dib ugu soo laabtay waxaa uu bilaabay sidii Soomaaliya uu ugu soo celin lahaa la macaamilka dunida, waxaana jirta dowladaha carbeed xilligaan ay hardan ugu jiraan sidii loogu soo kala hormari lahaa Kheyraada dalka