U bood dhigaalka

Ruushka: Daadad Ku Rogmaday Magaalooyin, Kadib Markii uu Karkaarrada Jabsaday Biyo-xireen Weyn

Ruushka ayaa sheegay Sabtidii in ay daadgureeyeen 4,000 oo qof oo ku noolaa gobolka Orenburg, ee koonfurta Ural ee u dhow Kazakhstan, daadad ka dib markii uu karkaarada jabsaday  biyo-xireen weyn oo gobolka ku yaallay, kaas oo sababay in ay ku fataho magaalooyin dhowr ah oo gobolka hoo yimaada.

Adeegyada degdegga ah ayaa shaqaynayey habeenkii oo dhan ka dib markii uu biyo xidheen ku qarxay magaalada Orsk, oo u dhow xudduudda Kazakhstan, warbaahinta gudaha ayaa qortay in 4,208 qof oo ay ku jiraan 1,019 carruur ah” la daadgureeyay, in ka badan 2,500 oo gurina ay saameeyeen daadadka.

Guddoomiyaha gobolka Orenburg Denis Pasler ayaa warbahainta u sheegay in khubaradu ay qiimeeyeen in biyo-xireenka loo dhisay “miisaan kale” iyo in heerka roobabku uu ahaa “mid aan caadi ahayn.”, isagoo sii raaciyay in kiis dacwad la furayo dayaca xeerka badbaadada Biyo-xireenka ayaa dhisan tan iyo 20014.

 Maamulka ayaa sheegay in xaaladdu ay aad u adag tahay guud ahaan gobolka, iyagoo ka digay heerka biyaha khatarta ah ee webiga Ural ee magaalada Orenburg ee ugu weyn gobolka, Dhowr gobol oo ka tirsan Ural iyo galbeedka Siberiya ayaa waxaa saameeyay daadad tan iyo bilowgii xilli roobaadka gu’ga.

Duqa magaalada ay ku nool yihiin nus malyuun qof, Sergei Salmin, ayaa sheegay in maamulku uu dadka si qasab ah uga rari doono meelaha ay daadadku ku fataheen” Waxaan ugu baaqayaa qof kasta oo ku sugan aagga fatahaaddu ka dhacday inay si degdeg ah uga baxaan guryahooda” guddoomiyaha gobolka.

Hadalkiisa ayuu sii raaciyay isaga oo ka hadlayay qataraha lagala kulmi karo waxaana uu ka digay iney imaan karaan xaalado khatar ah ” Wabiga Xaaladdu wax doorasho ah kuma hayso, habeenkii, wabigu wuxuu gaari karaa heer halis ah,” ayuu yidhi Sergei Salmin oo la hadlay warbaahinta gudaha dalkaasi

Community Verified icon
Community Verified icon