U bood dhigaalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo Shacabka Soomaaliyeed Ugu Habalyeeyay Munaasabadda Ciidul Fitriga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray dhammaaan shacabka Soomalaiyeed meel walba ay joogaan, isagoo ugu hambalyeeyay bilashada bisha Shawaal ee Ciidul Fitriga oo maalinta barri ah ku beegan.

Madaxweynaha ayaa Allah ka baryay in dhammaan Muslimiinta uu ka aqbalo acmaashii ay soo guteen bisha Ramadaan, waxaana uu umadda Soomaaliyeed kula dardaarmay in ay isgarabsadaan oo ay meel uga soo wadajeestaan cadowgooda sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweyanha ayaa maalmihii dambe ku sugnaa Xaramka isagoo halkaas ku Cumreysanayay, kadib booqashadii u uku tagay Boqortooyada Sucuudiga, halkaas oo kulamo miridhal ah uu kula soo qaatay Dhaxalsugaha Boqoryooyada Maxamed Bin Salmaan uu la kulmay.