U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Farxadda Ciidda La Qaatay Qaar Kamid ah Agoonta Ciidanka XDS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta farxadda Munaasabadda Ciidul fidriga la qaatay qaar ka mid caruurta ay geeriyoodeen askarta ku baxday dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladdu ay joogteyn doonto xuquuq u gaar ah caruurta agoonta Ciidamada Qalabka Sida, iyo sidii ay u garab istaagi laheyd maadaama abayaashood ay qaranka difaaciisa ay ku geeriyoodeen intii dagaalku socday.

Madaxweynaha ayaa sheegay in geesiyaasha Ciidamada Qalabka Sida ee naftooda qaaliga ah u huray xoreynta iyo difaaca dalka ay ummadda Soomaaliyeed ugu qoranyihiin Baal dahabi ah, dowladdooduna aysan marnaba hilmaami doonin ubadka iyo ehelladooda sharafta badan.

Madaxweyne Xasan ayaa shuhadadaas Alle u weydiiyay dhammaan nafta u huray difaaca dalka, dadka iyo diinta islaamka in uu hoygooda ka yeelo Janatul Firdowsa, waxaana uu xusay in aysan jirin wax ka weyn nafta oo lagu bixiyo dadaalka dalka looga saarayo Al-shabaab oo muddo socda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku amaanay hooyooyinka iyo waalidiinta kale ee gacanta ku haya barbaarinta ubadka Shuhadada, sida kartida iyo dhabar adeyga leh ee ay dusha u saarteen mas’uuliyadda daryeelka caruurta isaga oo adkeeyay in dowladdu ay doorkeeda ka qaadan-doonto waxbaridda caruurtan.