U bood dhigaalka

Ciidanka Xoogga iyo Kuwa Jubbaland oo Guulo Ka Sheegtay Dagaal Ka Dhacay Duleedka Baarsanguuni

Wararka naga soo gaarayo deegaanka Baarsanguuni ee gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in duleedka deegaanka ay ku dagaalameen ciidanka xoogga dalka oo taageero ka helaya Daraawiishta Jubbaland iyo Al-shabaab, waxaana kasoo baxaya warar kale duwan.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii xooggag ka tirsan Al-shabaab ay isku dayeen iney weerar kusoo qaadaan deegaanka, laakiin ciidanka ayaa isaga baxay deegaanka waxaana la isku haleelay banaanka, halkaas uu ka dhacay dagaal xooggan oo u dhaxeeyay labada dhinac.

Al-shabaab ayaa deegaanka la damacsanaa weerar iyo qaraxyo, laakiin saraakiisha ciidanka ayaa sheegay in laga warhayay weerarka, iyagoo intaas raaciyay in dagaalka lagu jabiyay Al-shabaabkii weerarka soo qaaday, saraakiisha ciidanka ayaa xusay in la fashiliyay weerarkaasi.

Maanta oo aheyd maalinta labaad oo Ciidul Fidriga ayuu kusoo aaday dagaalka ka dhacay duleedka deegaanka Baarsanguuni, muuqaallo lagu baahiyay baraha Telegram ayaa muujinayay meydad iyo dhaawacyo Jubbaland ay sheegtay in ay yihiin Shabaabkii weeraray.

ciidanka xoogga dalka oo taageero ka helaya Daraawiishta Jubbaland ayaa maalmihii lasoo dhaafay howlgallo ka dhan ah Al-shabaab ka waday qeybo kamid ah gobolka Jubbada hoose, waxaana ay dib ula wareegeen deegaanno markii hore looga soo baxay daadadkii El-Nino.