U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kulan Dhiiragelin La Qaatay Saraakiisha Haweenka ah Ee Ciidanka Xoogga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo farxadda Munaasabadda Ciidul fidriga kulan dhiirigelin ah la qaatay qaar ka mid ah Saraakiisha haweenka ah ee ku jira Ciidamada qalabka sida.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay sida nafhurnimada leh ee ay ugu taagan yihiin difaaca dalka, ilaalinta gobanimada iyo karaamada Ummadda Soomaaliyeed, haweenka Soomaaliyeed ayaa darajoojin kale duwan uga jira ciidanka xoogga.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in haweenka Soomaaliyeed ay yihiin laf-dhabarta dowladnimada Soomaaliya, waxa uuna ku booriyay in ay laba jibaaraan doorkooda halganka dib u xoreynta dalka iyo dagaalka lagula jiro Al-shabaab.