U bood dhigaalka

Ciidanka Xoogga oo Sanadkii 2aad Dagaal Kula Jira Shabaab Xilli ay u Dabaaldegayaan 64 sano Guuradooda

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa u dabaaldegay Jimcihii 64 guurrada aasaaskooda ee 12-ka April, 1960, waxaana fantasyo kale duwan ay kusoo bandhigeen caasimadda iyo gobollada dalka, xilli ay ku jiraan dagaal ka dhan ah Al-shabaab sanadkii labaad oo ay furimaha la isku hayo.

Munaasabadda sanadkaan ayaa kusoo aaday xilli ciidanku ay ku jiraan howlgallo dalka laga ga saarayo shabaab, badankooda ayaa ku sugan gobollada dalka, waxaa laga daabulay caasimadda iyo aagageeda, waxaana ay howlgallada ka wadaan dowlad goboleedyada dalka oo deegaanno badan ay gaareen.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka General Ibraahim Sheekh Muxiyadiin Cadoow ayaa sheegay in haddii laga soo baxay bisha Ramadaan ay ciidanku qaadi doonaan howlgallo xooggan oo inta bada ka dhaci doona deegaannada Galmudug, Hirshabeelle iyo golbolka Shabeellaha hoose si loo wiiqo awoodda Al-shabaab.

Tan iyo markii ay bilowdeen howlgallada lagu qaaday gobollada dalka iyo deegaannada ay ku sugnaayeen waxaa lagu guuleystay in laga saaro magaalooyin Qadiimi ah kuwaas ooh adda ay ka jiraan isbedel badan oo dhanka arrimaha bulshada, waxaana dib ugu soo laabtay dowladnimada iyo adeegyada lala xiriiriyo.

Gobolka Shabeellaha dhexe waxaa laga soo qaadan karaa magaalada Aadan Yabaal oo kamid ah kuwa sida weyn looga dareemayo isbedelka waxaa dib loo furay iskuulllada waxbarashada nidaamiga ah iyo goobaha caafimaadka, madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Ra’iisulwasaaruhu ay booqasho ku tageen.


Gobolka Mudug magaalada siweyn dadkeedu ugu fara adeeygeen ayaa ah magaalada Xarardheere oo dhacda Koonfurta gobolka, waxaa magaaladaan badda kulaasha dib usoo laabtay waxbarashada iyo goobaha caafimaadka, madaxweynaha ayaa tagay markiisii ugu horeysay abid kadib ballanqaadkii 2022.

Gobolka Galgaduud ciidaka ayaa isku dayaya in ay salka u dhigaan amniga magaalada Ceeldheer oo soo kabasho ku jirta, inkastoo mar laga laabtay hadana ciidanka ayaa dib ugu laabtay xilli ay u muuqato in ay ciidanka u noqonayso halka ay kaga duulaan magaalooyinka dhaca bariga ee Al-shaabaab ay joogaan.

Magaalooyinka Ceelbuulbuur, Galhareeri, Wabxo, Ceellahelay oo Galgaduud ah, oo la raaciyay Galbeedka Hiiraan iyo Jiinka wabiga Shabeelle ayaa hadda sugaya howlgalka ay qaadayaan ciidanka xoogga dalka sida uu sheegay taliyaha oo ka hadlayay 12-ka April oo ku beegan markii dhidibada loo aasay 1960-kii.