U bood dhigaalka

Iran oo Weerar Gantaalo ah Ku Qaaday Israel  iyo Cabsida Ka Taagan Gobolka Bariga Dhexe

Iran ayaa xilli dambe oo xalay ah waxay weerar aargudasho ah ku qaaday gudaha Israa’iil, weerarkaan ayaa waxaa ka qeyb qaatay 300 oo diyaaradood, kuwaas oo aan duuliye laheyn, waxaana muuqaallo la baahiyay lagu arkayay gantaalo ku dhacaya gudaha Israel, Tahran ayaa weerarkaan ku sheegtay aargusho.

 Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in Iran ay ku soo weerartay in ka badan 100 diyaaradood oo ah nooca aan duuliyaha lahayn oo xambaarsanaa bambooyin kala duwan, iyagoo sheegay in in lagu guuleytay in gantaalaha qaar kamid ah lasoo rido,qQaar kamid ah gantaallada Iran ayaa ku dhacay gudaha Israa’iil.

Saacado ka dib, haddana waxaa Iran ay markale ku dhawaaqday inay dhinaca Israa’iil ku ridday gantaallo waaweyn oo khasaare badan geysan kara, weerarkaan ayaa imaanaya bil kadib markii Israel ay weerartay safaaradda Iran ee magaalooyinka Dimishiq iyo Xalab ee Suuriya, taas oo keentay weerar lama filaan ah.

Dowladda Iran ayaa hore u sheegtay inay qaadi doonto weerar aargudasho ah, ka dib weerarkii bishan April 1-deedii lagu qaaday qunsuliyadda ay ku leedahay Dimishiq, halkaas oo lagu dilay 12 qof oo ay ku jiraan laba sarkaal oo sarsare oo ka tirsan ciidamada kacaanka Iran, kuwaas oo ku sugnaa dalka Suuriya.

Hawlgalka diblomaasiyadeed ee Iran u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa bartooda X ku sheegay, iyaga oo adeegsanaya qodobka 51aad ee axdiga Qaramada Midoobay, inay Iran qaadday tallaabo jawaab u ah, falkii gardarrada ahaa ee ay Israa’iil ka geysatay dhismahooda diblomaasiyadeed ee ku yaalla Dimishiq.

“Israa’iil ma ka baaqsan doontaa inay khalad kale samayso, jawaabta Iraan waxay noqon doontaa mid aad uga daran tan iminka. Haatan waxaa xiisaddu u dhexeysa Iran iyo maamulka Israa’iil, oo ay tahay in Maraykanku uu ka fogaado.” Ayuu u qornaa qoraalka lagu daabacay bogga ay leeyihiin Diblomasiyiinta.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa soo gaabiyey fasax uu ku joogay gobolka uu ka soo jeedo ee Delaware, isaga oo dib ugu soo laabtay Aqalka Cad, lana kulmay saraakiisha amniga u qaabilsan, waxaana dowladda Mareykanka markaan ay wajahaysaa cadaadis xooggan oo ka heysta bariga dhexe iyo Israel.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku baaqay in la xakameeyo colaadda ka taagan bariga dhexe. Wuxuu cambaareeyey xaaladda ka sii daraysa ee bariga dhexe gaar ahaan weerarka ugu dambeeyey ee Iran ay ku qaaday Israel oo weli siweyn loo hadal hayo marka la eego sida uu yahay.